Masuuliyiinta ugu saraysa Wasaarada Arimaha Gudaha JSL, uu ugu horeeyo Wasiir Kuxgeenka Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka Naasir Caydiid Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Cabdillaahi Xuseen Maxamed Agaasimaha Guud Amniga Ibraahim Cali Ismaacil iyo masuuliin kale ayaa saaka Wasaarada Arimaha Gudaha, ku qaabilay wefti ka socday Wadamada EU, Sweden, Finland, UK, Germany, Norway iyo DK.

Weftigan oo ay hogaaminayeen Safiiro iyo Diplomaasiin ayaa kulan muhiim ah la qaatay masuuliinta Wasaarada Arimaha Gudaha, iyada ay wadamadan weftigu ka socdeen ay ahaayeen kuwa Somaliland, kala shaqeeya dhinacyada Doorashooyinka, mashaariicda haruumarineed iyo arimaha nabad gelyada.
Kulankan oo saacada qaatay waxaa lagu falaqeeyey wada shaqaynta Somaliland iyo xidhiidh wadamada Saaxib la ah Somaliland, arimaha doorashooyinka iyo Mashaariicda Haruumarineed ee ay Somaliland ka taageeraan ayaa laga wada hadlay.
Weftigan ayaa somaliland, ugu hambalyey haruumarka ka socda iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa Somaliland iyo beesha calaamka. Dhinaca kale weftigan ayaa qiimayn ku samayn doona mashaariicda ay doonayaan in ay Somaliland, ka fuliyaan sanadkan, iyaga oo samayn doona (Ground Assessment).
admin