Waftigii Wasiirka Arrimaha Guduhu Hoggaaminayey Ee Beryahaaba Ku Sugnaa Laascaanood Oo Shir La Yeeshay Isuduwayaasha Laamaha Dawladda iyo Shaqaalaha Wasaaraddaha Qaranka Ee Ka Hawl gala Gobolka Sool.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane, Maxamed Kaahin Axmed iyo weftigii balaadhnaa uu hogaaminayay ee ku sugnaa Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa saaka aroornimadii hore shir la yeeshay isuduwayaasha iyo Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradaha qaranka ee kahawl gala Gobolka Sool kuwaasi oo ay horkacayeen Badhasaabka Gobolka iyo Maayirka Magaakada Laascaanood, waxaanay labada dhinac iska waraysteen xaalada nabad gelyo ee Gobolka, ta horumarka dadka iyo deegaanka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa adeegyada loo fidinaayo bulshada reer Sool.

May be an image of 2 people and people sitting

May be an image of 3 people and people standing

May be an image of 6 people, people sitting and people standing

May be an image of 5 people and people standing

May be an image of one or more people, people standing, people sitting and headscarf

admin