Hargaysa ( MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa saaka Furay Aqoon iswaydaarsi muddo laba maalmooda socon doona oo ku saabsan Dib UÂ Eegista waxqabadkii mashruuca GPLG ee horumarinta Degmooyinka Qaybaha koowaad iyo 2aad .
Aqoon Isweydaarsigan ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiradda Arrimaha GUdaha ,Caafimaadka, Iyo Waxbarashada , Maayiradda Degmooyinka Hargaysa, Berbara , Gabiley, Burco iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha hawlaha guud , Caafimaadka Waxbarashada iyo sidoo kale shaqaalaha wasaaradaha kor ku suxan iyo qaar kamida xildhibaanada golaha degaanka.