WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND OO SI RASMIYA XILKII UGU KALA WAREEJIYEY AGAASIMAYAASHA GUUD EE WASAARADA ARRIMAHA GUDAHA+SAWIRO

Hargaysa(MOI)- Wasiirka Arrimaha GUdaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Ayaa saaka Si Rasmiya Ugu kala Wareejiyey Labada Agaasime Guud ee Hore iyo agaasimayaasha Cusub ee Wasaarada Dhawaan Loo Soo Magacaabay.
Munaasibad si balaadhan loo soo agaasimay oo ka qabsoontay Hoolka shirarka Ee Xarunta Wasaarada Arrimaha GUdaha Somaliland ayaa Saaka Waxaa Xilka kula Kala Wareegay Labadii Agaasime Guud Ee Amniga Iyo Maamulka Iyo Labada Agaasime Guud ee Dhawaan Jagooyinkaasi Loosoo Magacaabay.
Munaasibadan ayaa ugu horeyn waxaa halkaasi aayadaha quraanka ee furitaanka ahaa kadib halkaasi ka hadlay Agaasime waaxeedka maamulka Iyo Lacagta oo halkaasi hadalo soo dhaweyn iyo sagootina uga jeediyey agaasimayaasha xilka la kala wareegayey kuna booriyey shaqaalaha inay si miisaan leh ula shaqeeyaan masuuliyiinta cusub.
Sidoo kale waxaa isla goota ka hadlay Xubin kamida Shaqaalaha oo dhinaca Haweenka ah Marwo Aamina Xaaji oo iyana hadao soo dhaweyn u badan halkaasi ka soo jeedisay.
Intaasi Kadib Waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimihii Guud ee Maamulka Gobolada Iyo Degmooyinka ee hore Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur oo si mug weyn uga warbixiyey qaabdhismeedka wasaarada Arrimaha Gudaha Xajmiga Shaqaalaha Iyo Mashaariicda hirgalay iyo kuwa hada socda.
Dhinaca kale Waxaa Isaguna Halkaasi Ka Hadlay Agaasimihii guud ee hore ee Amniga Qaranka Xasan Nuur Abokor Oo Dhankiisa ka warbixiyey Amniga iyo xaaladaha dalka
Dhanka kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Labada Agaasime ee Cusub ee maanta Xilka la Wareegay Agaasimaha Amniga Mukhtaar Maxamed Cali Iyo Agaasimaha Maamulka Cabdi Nuur Axmed Gurey oo labaduba si hufan u amaanay sida loo soo dhaweeyey
Ugu danbayn waxaa Halkaasi soo xidhay Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo si rasmiya xilka ugu kala wareejiyey Musuuliyiintaasi .

admin