Madaxweynaha Somaliland Oo Amray In Maalinta Isniinta Dalka Oo Dhan Laga Tukado Salaad Roob Doon Ah Iyo Wasiirka Diinta Oo Faah Faahiyey

Hargeysa(SI):-Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maanta kulan la yeeshay culimada dalka ayaa iclaamiyey in maalinta isniinta ah dalka oo dhan looga dareero salaad roob doon ah.

Sida uu xaqiijiyey wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo warbaahinta la hadlay markii kulanku dhamaaday  ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha somaliland uu amray in maalinta isniinta guud ahaan wadanka laga tukado salaad roob doon ah.

Ugu horayn wasiirka diinta iyo awqaafta oo ka hadlaya  kulankii dhex maray madaxweyaha iyo culimada dalka ayaa waxa uu yidhi “Maanta oo sabti ah waxa uu madaxweynaha somaliland kulan kula qaatay qasriga madaxtooyada  dhamaan culima awdiinka qaranka oo ka yimid gobolada iyo kuwii Hargeysa joogay, waxaanu kulankaasi daarnaa in nabad galyada la xoojiyo, in horu marka, shaqo abuurka iyo wax soo saarkeena la xoojiyo oo beeraheena iyo xoogeena laga faa,iidaysto.”

Wasiirka diinta iyo awqaafta oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu madaxweynuhu amray in guud ahaan wadanka laga tukado salaad roob doon ah waxaanu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu amar roob doon ah u soo jeediyey shacabka Somaliland, waxaanan leeyahay maadaama oo ilaahay inaga dhigay umad muslim ah oo marka roobku yar raago ama abaartu adkaato sida maanta taagan oo kale  waa in xaga ilaahay loo noqdaa, sidaas darteed waxa uu madaxweynuhu amar ku bixiyey  in maalinta isniinta ee bisha labaad ee sanadku kow tahay isla markaana ku beegan  22 bisha Rabiicul Saani ee taariikhd islaamka inaynu u dareerno goobihii aynu salaada ku tukan jirnay  oo salaadii roob doonta la tukado, ilaahayna laga baryo inuu abaaraha inaga jabiyo, inuu ilaahay umada u naxariisto, inuu ilaahay inoo shubo roobkii uu caadada inooga dhigay.”

Sidoo kale wasiirka diinta iyo awqaafta  ayaa ka hadlay fariin uu madaxweynaha somaliland u soo gudbinayo shacabka waxaanu yidhi “Sidoo kale waxa uu madaxweynaha somaliland ku boorinayaa dhamaan shacabka somaliland inay isu naxariistaan oo ay istaakuleeyaan oo ay ilaahay u toobad keenaa, wanaagana is faraan xumaantana iska reebaan, taas oo ah raadka  kaliya iyo wadada kaliya ee ilaahay naxariistiisa lagu helayo.”

admin