Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Saaka Furay Shirkii Sanadlaha ahaa Ee Gudiyada Nabadgalyada Degmooyinka Dalka

Hargaysa(SLI)- Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ayaa manta si rasmiya u furay shirka Sanadlaha ah gudiyada nabad galyada ee Degmooyinka kala duwan ee guud ahaan Gobolada Dalka Somaliland kaasi oo sanadkan la siin doono work shop kor loogu qaadayo aqoontooda .
Shirkan ayaa noqonaya shirkii ugu horeeyey ee agaasimaha guud tan iyo markii xilka loo magacaabay uu la qaato gudiyada nabadgalyada ee degmooyinka waxaana markii uu agaasimuhu shirkaasi furay bilowday isbarasho dhex marta xubnaha gudiyada nabadgalyada iyo agaasimaha waxaana shirkani lagaga wada hadlaayey sidii loo heli lahaa wada shaqayn toosa oo dhex marta dawlada dhexe iyo gudiyada.
Agaasimaha Waaxda Gobolada iyo degmooyinka Maxamed Cali oo halkaasi ugu horeyn ka hadlay ayaa ka warbixiyey ujeedada kulankani iyo waxyaalaha lagaga hadli doono “manta waxaynu halkan iskugu nimi sida la idinku soo wargaliyo inaan isku xogwaraysano ladinna siiyo work shop kor loogu qaadayo aqoontiina”
Dhinaca kale agaasimaga guud ee wasaarada arrimaha gudaha CabdiFataax Siciid Axmed  ayaa  dhankiisa  ka  hadlay  ahmiyada ay  leedahay  maamul daadajinta  iyo doorka wasaarada arrimaha  gudaha  waxaana hadaladiisii  kamid ahaa  “ waxaynu jecelnahay inaan maamul daadajinta gaadhsiino halka uugu hoosaysa isla markaana aynu wada shaqayn yeelana “
Shirkani oo saaka 9 subaxnimo ka bilowday Hotel safari oo socon doona muddo sadex cisho ah ayaa agaasimaha guud ee wasaarada waxaa ku wehelinayey agaasime waaxeedka gobolada iyo degmooyinka ee wasaarada arrimaha gudaha Maxamed cali daalin Lataliyaha agaasimaha Cabdikariin Cabdi aadan

admin