Hargeysa: Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL Cabdalle Maxmed Carab’ ayaa Xafiiskiisa Kulan Muhiim Ah kula Qaatay Guddida Arrimaha Gudaha, Nabad-galyada iyo Difaaca ee Golaha Guurtiddu.
Kulankan Wasiirka Arimaha Guddaha Jsla md Md Cabdale Maxamed Carab oo masuuliyiinta kale ee Wasaaraddu goob joog ka ahaayeen’ waxa uu Saaka Xafiiskiisa kula qaatay Xubnaha Guddida Arrimaha Gudaha, Nabad-galyada iyo Difaaca ee Golaha Guurtidda Jsl oo Hormuud u ahaa Guddoomiyaha guddidaasi Md Maxamed Sh. C/raxmaan Maxamed (Ilkacase) waxaana kulankaasi laysaga Xog-waraystay Xaaladda guud ee dhanka Amniga Qaranka Jsl hada maraayo.
Dhinaca kale kulankan muhiimka ahaa ee Adkaynta iyo Xoojinta Amniga Dalka xoojintiisa Wasiirka iyo Guddida Guurtiddu diiradda ku saarayeen waxa ay labada dhinac isla qireen meel aad u fiican in uu Amniga dalku ku jiro wakhtigan’ iyaga oo gaar ahaan dhinacooda Guddida guurtidu ay Wasiirka La Wadaageen Talooyin Muhiim u Ah Xukuumadda iyo Guud Ahaan qaranka Amnigiisa.
Wasiir Cabdale Maxamed Carab ayaa isna dhinaciisa Aad ugu Mahadnaqay Guddida hoosaadka Arimaha Guddaha iyo Nabadgelyadda ee Booqashada Shaqo Xafiiskiisa ugu timid Saaka Iyo Talooyinka muhiim ah ee ay u soo Jeediyeen’ waxaana Wasiirku u sheegay Guddida inay Talooyinkaas Weelayn Doonaan Albaabka Xafiiskiisuna u furan yahay wada shaqayntooda wakhti kasta oo ay u baahdaan..
Ugu Dambayn wuxuu Wasiirku Guddida u sheegay inuu dhamaan Dalku uu yahay Nabad wax shaqaaqo ah oo Jiraana aanay Jirin wakhtigan taas-na uu Ilahay uga Mahad-naqaayo iyo Shacabka Somaliland oo ah Shacab Diyaarsan oo Ciidamada Nabadgalyada Qaranka Gacansiiya iyada oo kulankaasina is-afgarad iyo jawi fiican ku soo dhamaaday.
Bashiir Cabdi Cabdilaahi
Agaasimaha warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga JSL