Hargeysa: Wasiirka Arimaha Guddaha & Amniga Jsl oo Xilalkii u Kala Wareejiyey Agaasimayaasha Cusub ee Wasaaradda A. Gudaha iyo Wasaaradda Dowladaha Hoose iyo Agaasimayaashii Hore ee Wasaaradahasi

Hargeysa: Wasiirka Arimaha Guddaha & Amniga Jsl oo Xilalkii u Kala Wareejiyey Agaasimayaasha Cusub ee Wasaaradda A. Gudaha iyo Wasaaradda Dowladaha Hoose iyo Agaasimayaashii Hore ee Wasaaradahasi

 

Wasiirka Arimaha Guddaha Iyo Amniga Jsl Cabddale Maxamed Carab’ ayaa si rasmi ah Xilalkii ugu kala wareejiyey Agaasimyaashii Hore Ee Wasaaraad Arimaha Gudaha iyo Amniga iyo Agaasimayaasha Guud Ee Madaxweynaha Qaranka usoo magacaabay Labada Wasaarood Ee Kala Ah Wasaaradda Arimaha Guddaha iyo Amniga iyo Wasaaradda Dowladdaha Hoose Iyo Horumarinta Magaalooyinka.

Waxaana ka soo qabygalay Xafladdaasi Masuuliyiin kala duwan oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan, kana mid ahaayeen Wasiiru-Dawladdaha Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga JSL Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) Iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Dawladaha Hoose Iyo Horumarinta Magaalooyinka Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) Xildhibaano. qaybaha kala duwan ee Bulshadda.

Wasiirka Arimaha Guddaha Iyo Amniga Jsl Cabddale Maxamed Carab ayaa ugu dambeyntii xafladdaasi si rasmi ah xilalkii ugu kala wareerjiyey 4ta agaasime Guud isaga oo Agaasimeyaashii Horena ku amaanay intii Ay Qaranka u soo shaqeeyeen Agaasimyaasha cusubna Alle ug baryey in xilalkaasi Alle u Fududeeyo.

admin