Hambalyada Wasiir Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Sannadka Cusub Ee Hijiriyada Islaamka – 1443-ka.

Wasiir Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Kaahin Ahmed isagoo ku hadlaya Magaciisa, ka shaqaale waynaha Wasarada Arrimaha Gudaha iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, Waxa uu Munaasibadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1443-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducoba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaan Shacbiga Somaliland Meel ay Joogaanba.
Sidoo kalena Wasiirku uu Hambalyo taa la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan berri oo Isniin ah.
Wasiirku waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba Sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.
Ugu dambayna Wasiirku wuxuu Shucuubta Islaamka u rajaynayaa in Sannadka cusubi ula kowsada nabad-gelyo iyo xasillooni buuxda.
Kullu Caam Wa Antum Bikhayr
Xafiiska Warbaahita Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL
admin