Hargaysa (Xafiiska Af-hayeenka )- Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Jaamac Cabdillaahi Biin ayaa maanta xadhiga ka jaraynaa saldhig Bolis oo loo dhisay Tuulada Bali-Kaliil oo ka tirsan Degmada Sabowanaag.
wasiir ku xigeen oo halkaasi ka hadlay ayaa bulshada deegaankaasi ugu baaqay inay ilaashadaan saldhiga isla markaana ay ciidamada garab istaagaan oo u hogaansanaadaan .
dhinaca kale wasiirku waxaa uu sheegay in saldhiga lasii ballaadhin doono isla marlaana loo samayn doono dary weyn .
sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay taliyaha hawlinta aaga bari oo bulshada deegaan ku booriyey in ciidamadaa loo keenay lagu eegayo siday u hayaan.