Hargeysa(SLI) Taliye-ku-xigeenka Ciidanka booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdirahmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa ka jawaabay warar sheegaya in la xidhay taliyihii Saldhiga Dagmada Ibraahim Koodbuur Badal Xasan Qayl isla markaasina xilka xayuubin lagu sameeyey.
Taliye Fooxle ayaa xaqiijiyay in aanay jirin xadhig lagula kacay taliyaha Saldhiga Booliska degmada Ibraahim Kood buur, taliyaha oo arimahaas ka hadlayaa waxa u Yidhi “ Adeer warkaasi waa been wax ka jiraa ma jiran imikadaa aan kula hadlaayo waxa uu ku jiraa Shaqadisii warkaasina waa been” ayuu ku jawaabay taliye Fooxle .
Warkan ayaa uu hore u baahiyey xisbiga borobagaantada iyo dadkicinta wada ee waddani kaasi oo doonayey inuu ku kiciyo bulshada isla markaasi si khaldan uu bulshada wax u gaadhsiiyo isaga oo adeegsanaya warbaahinta qaar isaga u adeega
waxaana uu xukuumadda ku eedeeyay in ay xilkii ka xayuubisay taliyihii saldhiga ibraahim koodbuur, iyada oo xisbiga Waddani uu sheegay in maamus ka xayuubinta lagula kacay taliyahaasi ay timid ka dib markii uu maalintii shalay u ogolaaday gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro inuu xabsiga ku booqdo ganacsade Cumar Caydiid oo ku xidhan saldhigaasi warkaasi oo gabi ahaanba been abuur ah.