Wasiirka Arimaha Guddaha iyo Amniga ee Somaliland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Sare oo Qaramadda Midoobay ka Socota
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdalle Maxamed Carab’ayaa Qaabilay Wafti Sare oo ka socday Xarunta Qaramadda Midoobay ee (UN) ka kuwaas oo Safar shaqo JamhuuriyadaSomalilandku yimid.
Shirka ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Arimaha Guddaha iyo Amniga Somalilandmd Cabdalle Maxamed Carab sido kale ku wehelinaayey Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Jsl Maxamed Cali Maxamuud ( Shabeel) waxa uu Wasiirku Xafiiskiisa ku soo dhameeyey shir gaar ahna kula qaatay Madax ka socotay Qaramadda Midoobay oo uu hogaaminaayey Kusimaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobeyd u Qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Somalia Mr. James Swan, Iyagoo ka wada hadlay sidii loo Xoojin lahaa Arrimaha Amniga ee Xukuumada Somaliland Qaranka uga masuulka tahay waxaanu ugu dambayn shirkaasi ku soo Idlaaday Isfaham guud iyo Wadashaqaynta oo la sii xoojin doono.