Wasiirka A. Guddaha Jsl oo Kulan Xafiiskiisa kula yeeshay Wefti ka Socda Dalka Maraykanka oo Safar ku Yimid Hargeysa

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ay wehelinayaan Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha mubaarik Axmed Cali ayaa kulankan Ballaadhan la qaatay wefti ka socdey Dalka Mareykanka, kuwaasoo booqasho rasmi ku jooga Dalka Somaliland.

Weftiga ka socda Congresska Mareykanka ayaa Somaliland u yimi si ay u ogaadaan Horuumarka socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabad-gelyada ka hirgeshay Somaliland 30 kii sano ee u danbeeyey ee Dalku xorriyaddiisa la soo noqday.

Kulan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayuu Wasiirka iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan weftiga siiyeen warbixin ku saabsan Somaliland.

Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

admin