Laascaanood: Xuska Munaasibadda Sannad Guuradda 29aad ee Ciidanka Qaranka Jsl oo Gobolka Sool Saaka Ka Socota

Laascaanood: Xuska Munaasibadda Sannad Guuradda 29aad ee Ciidanka Qaranka Jsl oo Gobolka Sool Saaka Ka Socota

 

Xuska debaal dega 29aad ee aasaaskii Ciidanka Qaranka ee Milatariga Somaliland oo Sannadkankan lagu qabtay Jiida hore ee Xarunta Gobolka SOOL ayaa Saaka si habsami ah uga socda Gobolkaasi.

 

Munaasibadda Debaal dega Aasaaska 29aad ee Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Jsl Somaliland ee Saaka ka socda Gobolka Sool ‘waxa ka Qaybgalay Taliyaha iyo Saraakiisha kala duwan ee Ciudamadda qalabka sida ee Milatariga Jsl ‘ Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl ‘ Wasiirka Gaashaandhiga’ wasiirka Warfaafinta ‘Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Wasiirka Hawlaha Guud’ Maamulka Heer Gobol iyo Degmo ee Gobolka Sool waxaana halkaasi Dhoolatus Milatari ku samaynaya Salaana madaxda dowladda ku siinaya Ciiddamada Qalabka sida.

admin