Dawladaha Sweden iyo Switzerland ayaa ballanqaaday inay taageero dhaqaale siinayaan Jamhuuriyadda Somaliland

somaliland interior.net) Dawladaha Sweden iyo Switzerland ayaa ballanqaaday inay taageero dhaqaale siinayaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA) oo soo xigatay Wargeyska East African Business Week, Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa laba kulan oo kala duwan la yeeshay Masuuliyiin ka socday  Sweden iyo Switzerland, kuwaasi oo uu u soo bandhigay fursadaha ka jira Somaliland.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi wuxuu sheegay inuu la kulmay Safiirka Dawladda Switzerland u qaabilsan Geeska Afrika Dr Ralf Heckner, waxaanu tilmaamay  in danjiruhu u ballanqaaday in dawladiisu  Somaliland kala shaqeyn doonto caqabadaha ka haysta aqoonsi la’aanta, waxaanu intaas ku daray in dawladiisu Somaliland ka gacan siin doonto  dhinaca horumarinta dhaqaalaha.

Danjire Baashe Cawil wuxuu intaas ku daray  in Xukuumadda Switzerland u bandhigeen sidii maalqabeennada dalkaasi u maalgashan lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kalena Baashe Cawil wuxuu sheegay in isaga iyo  Maareeyaha Duulista iyo Maadaarrada Somaliland ay kula kulmeen  safaaradda Sweden ee ku taalla Nairobi La-taliyaha  Dawladda Sweden u qaabilsan  Nabadda iyo Dib-u heshiisiinta Mr. Johan Svensson oo ay ka wada hadleen doorashada Baarlamaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto dabayaaqada sannadkan.

Waxa kaloo Wakiilka Somaliland uu intaas raaciyey inay masuulka ka socday Xukuumadda  Sweden isla soo qaadeen sidii loo kordhin lahaa mashaariicda horumarineed ee Sweden siiso Jamhuuriyadda Somaliland.

admin