Wasiiradda Arrimaha Dibada Iyo Arrimaha Gudaha Jsl Oo Madaarka Caasimada Hargaysa Ku Soo Dhaweeyey Wafti Culus Oo Ka Socda Midawga Yurub.

Hargaysa (MOI)- Wasiiradda Arrimaha Dibadda Iyo Arrimaha Gudaha Jsl Ayaa maanta Madaarka Caasimada Hargaysa ee Cigal International Airport Ku Soo Dhaweeyey Wafti Culus oo Ka Socda Midawga Yurub.

Waftidan oo ka koobnaa 18 Xubnood ayaa Wasiiradu ku qaabileen Qaybta VIP-da ee madaarka Cigal International Airport waxaana Loo soo Gudbiyey Hotel Ampasator .

Waftida ayaa inta ay dalka joogaan kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxweynaha Qaranka Somaliland Iyo Laamaha kala duwan ee Xumubada.

admin