DAAWO: Wafti Heer Qarana Oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Oo Gaadhay Dalka DJiboiti.

DJibouti (MOI)- Wafti Heer Qarana oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed matalayana xukuumada iyo xisbiga tallada haya ee kulmiye ayaa galabta gaadhay Dalka aynu jaarkanahay ee DJibouti .

Waftidan oo maanta duhurnimadii ka anbo baxay Garoonka Caalamiga Ah Ee Cigaal Interanational Air Port ee Magaalada Hargaysa ayaa ka koobnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye Ku xigeenka Labaad Ee Xisbiga Kulmiye Xuseen Aadan Cadde, Xoghayaha Xibiga Kulmiye Xasan siciid iyo Xubinkale .

Socdaalka Waftidan uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Guduhu ayaa ujeedadiisu tahay ka qaybgalka xuska aasaaska Xisbiga Tallada Dalkaasi Haye ee RBB iyaga oo Waftigu casuumad rasmiyaha ka helay Xisbiga Talada haya ee RBB ee Dalkaasi DJibouti.
Waftida ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Jibouti Cabdifataax Siciid Axmed Masuuliyinkale kuwaasi u galbiyey Hotelka Kanbiski oo Waftigu ku degay.

Socdaalka Waftiga ee ay Ku joogayaan dalka Jibouti ayaa qaadan doona muddo Sadex Cisho ah iyaga oo ka qayb gali doona dabaaldega 40 guurda kasoo wareegtay markii la Aasaasay Xisbiga tallada Dalka Jibouti haya ee RBB.

admin