Shacabiweynaha Magaalada Burco , Maamulka Heer Gobol Iyo Heer Degmo Oo Uu Hormuud U Yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jsl Oo Si Miisaan Leh U Soo Dhaweeyey Madaxweynaha Qaranka Somaliland.

Burco (MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed Oo Todobaadadii u danbeeyey Safar Shaqo Ku Joogay Qaar Kamida Gobolada Bariga Somaliland Ee Sool Iyo Togdheer ayaa Saaka Isaga Wafti uu Hogaaminayo oo ka kooban wasiiro, Qaar kamida Jananada Ciidamada Kala Duwan Ee Qaranku leeyahay iyo Masuuliyiinta Gobolka Togdheer ee heer gobol Iyo Heer Degmo waxa ay Si Miisaan Leh Gobolka Togdheer ugu soo Dhaweeyeen Madaxweynaha Qaranka Somaliland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa yaa saaka hiirtii hore kasoo ambabaxay magaalada Madaxda Gobolka Saaxil Ee Berbera, ayaa soo dhaweyn aan kala hadh lahayn kala kulmay shacabka ku dhaqan tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhexeeya Berbera iyo Burco, kuwaas oo caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo dhaweynayey madaxweynaha iyo weftigiisa.

Wasiirka Wasaarada Caafimaada, Taliyaha Ciidamada Asluunba, Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Laanta Socdaal , Taliyaha Qaybta boliska Gobolka Togdheer, Shacab-weynaha ku dhaqan magaalada Burco, maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaanno, madaxda dhaqanka qaybaheeda kala duwan, haween-weyne tiro badan,
dhallinyarada gobolka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka Togdheer oo uu hormuud u yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL ,

ayaa soo dhaweyn baaxad leh ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa, kuwaas oo safaf dhaadheer kaga jirey Tuulooyinka Ku Teedsad duleedka galbeed Burco iyo waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada dhex mara, isla markaana Lulayey astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya.

Masuuliyiinta Gobolka Ee Heerdegmo iyo Heer Gobol ayaa ugu horey shacbiweynaha uga mahadceliyey sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynahooda.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo dhankiisa la hadlay dadweynaha ayaa aad u bogaadiyey bulsho weynaha ku dhaqan gobolka Togdheer waxaan uu sheegay in magaalada burco caan ku tahay xoriyadii dalkan iyo soo dhaweynta isaga oo ugu danbayntii kusoo dhaweeyey madaxweynaha qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Burco ee soo dhaweeyey socod lug ah ku dhex maray, waxana uu kula hadlay fagaaraha xarunta gobolka, isaga oo uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen, kuna bogaadiyey inay midnimadooda iyo wada-jirkooda ilaashaadaan.

13

admin