Shirkii Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah Ee Koonfurta Gobolka Sool Oo Maanta Soo Gabagaboobay Iyo Qodobada Laga Soo Saaray.

Laascaanood ( MOI)- Waxaa Maanta Si Rasmi Ah Usoo Gaba Gaboobay Shirkii Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah Ee Dhawaan Colaadu Ku Dhex Martay Koonfurta Gobolka Sool Ee Deegaanada Dhumay, Dharkayngeenyo Iyo Dabataag.

Shirkan Nabadaynta Oo Muddo Bil Ku Siman Si Habsami Ah Uga Socday Xarunta Gobolka Sool Ee Magaalada Laascaanood Gaar Ahaan Hotel Xamdi Isla Markaana Uu Hore U Furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Intaaba Arrinka Nabadaynta U Fadhiyey Magaalada Laascaanood , Taasi Oo Ay Ka Garnaqayeen Gudi Culimo Ah Oo Shareecada Ku Garnaqayey Kana Koobnaa 5 Xubnood Oo Ay Weheliyaan 11Xubnood Oo Garaado Cuqaal Iyo Ningarboodka Dhaqanka Ah Kana Soojeeda Beelaha Dega Gobolka .

Fadhigii Maanta Oo Ay Taariikhtdu Ahayd 9/10/2018 ayaa waxaa kasoo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSl Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Arrimaha Gudaha JSl Maxamed Kaahin Axmed, Maamulka Gobolka Sool Heer gobol iyo Heer Degmo, Shirgudoonka Shirka Nabadaynta iyo Ergada labada beelood ee Colaadu Dhexmartay, Waxaana Uu Sidii Caaadada U Ahayd Abaara 10:00am Ku Furmay Jawi Degan Iyo Farxad Kamuuqatay Wajiyada Waxgaradka Labada Dhinac Ee Bishaaba Loo Garnaqayey .

Shirka Ayaa Lagu Furay Aayado Quraana Iyo Waliba Khudbad Xadiisa Oo Sheekh Kamida Culimada Gobolku Halkaasi Kasoo Jeediyey,

Intaasi Kadib Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Guddoomiyaha Shirgudoonka Shirka Nabadaynta Sheekh Axmed Oo Isagu Halkaasi Ka Akhriyey Qodobada Shareecadu Ku Kala Xukuntay Labada Dhinac.

Sidoo Kale Waxaa Isna Halkaasi Ka Hadlay Xumin Kamida Gudida Dhaqanka Ee Dhexda Ahaa Oo Isaguna Halkaasi Ka Akhriyey Qodobo Dhawra Oo Ka Dhaqan Ahaan Ay Ku Kala Xukumeen Labada Dhinac.

Cuqaasha Labada Dhinac Ee Loo Garnaqayey Ayaa Iyaguna Halkaasi Ka Hadlay Iyaga Oo Si Isku Mida U Sheegay Inay Qaateen Xukunadaasi Gudidu Soo Saartay Sideedana Ay U Fulinayaan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada , Waxgaradka, Garaadada Oo Iyaguna Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Hadalo Dardaaran Iyo Waano Ah U Jeediyey Labada Beelood Kuna Booriyey Inay Nabada Ilaaliyaan Go’aamadana Sidooda U Fuliyaan Oo U Hogaansamaan.

Ugu Danbayntiina Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed Oo Halkaasi Ka Akhriyey Awaamiir Ay Xukuumadu Ku Dhaqan Galinayso Go’aamadaa Lagu Kala Xukumay Labada Dhinac.

Mardhow Filo Vedio Dhamays tiran.

Image may contain: 2 people, people smiling
admin