Daawo:Shirkii Nabadayta Beelaha walaalaha Ahee Koonfurta Gobolka Sool Oo Maanta Lagu Dhaariyey Ergada Labada Dhinac+ Sawiro

Laascaanood (MOI)-  Shirkii nabadaynta beelaha walaalaha ah  ee koonfurta gobolka sool  dhawaan ku dagaalamay  ee ka socday magaalada Laascaanood  ayaa  maanta  lagu dhaariyey   ergada  shirka uga qayb galaysa  labada beelood  kuwaasi  oo isku gayn ka kooban  42 xubnood.

Shirkan ayaa  shalay  ay  si  rasmiya  guda galkiisa u  furay  Wasiirka Arrimaha  Gudaha Somaliland oo in  mudo ah isaga iyo  wafti  uu  hogaaminayaa  arrinka nabadaynta u  fadhiyeen  magaalada laascaanood  waxaan  furitaankii  shirka ee shalay  hawsha lagu wareejiyey   culimada  shir guddoonka .

Shirkan  maanta oo  ay  shir  guddoominayey  Guddomiayha shirguddoonka   shirka  nabadaynta  beelaha walaalaha ah ee  koonfurta  gobolka Sool  Sheekh Axmed ayaa waxaa  goobjoog  ka  ahaa   ergada labada dhinac  oo ka  kooban  42 xubnood,  gudida dhexdhexaadka ah  oo  ka kooban 15 xunbood ,  culimada  shirgudoonka oo iyaguna dhan 5 xubnood.

Halka  ay  dhinaca  xukuumadana  goobjoog  ka ahaayeen  Guddoomiyaha  Golaha wakiilada Baashe Axmed Faarax, wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, wasiirka horumarinta Biyaha  Saleebaan Cali Koore, Hogaanka Kormeerka Ciidanka Boliska , iyo Taliyaha Qaybta Boliska Gobolka Sool .

Ayaadaha Quraanka ee furitaanka u ahaa shirkaasi  Kadib  waxaa  halaasi  lagu  dhaariyey  cuqaasha iyo  nin garboodka  kala metalayey  labada  beelood ee dirirtu  dhex  martay  oo  dhan walba  laga dhaariyey  21 Xubnood.

Dhaarta  kadib  waxaa gudoomiyaha  shirku   labada dhinac ku  amray  inay  soo gudbiyaan  Galdacwadeedyada ay  ku kala doodayaan  oo  qoraala iyo   dhinac walba  labada qof ee u garamaya  .waxaana  lanbada  dhinacba  halkaasi ku  gudbiyeen  xubnaha  labada ah ee dhanwalba iyagu  matalaya  una garamaya.

Intaasi  kadin  waxaa  halkaasi  ka  hadlay  afhayeenka shirgudoonka  oo  ergooyinka  ku  guubaabiyey   habsami u socodka mudada lagu  guda jiro  shirka  iyo  habdhaqanka loobga  baahanyahay  .

Isku soo wada duuboo  shirka  ayaa ku  dhamaaday waji degan  iyaga oo maalinta  bari  ah  la  guda gali doona  garnaqa  labada dhinac iyada oo laysku  dhagaysanayo  xubnaha u garamaya labada dhinac.

admin