Daawo: Khudbadii Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Ka Jeediyey Xaflada Qalinjabinta Jaamacada Golis Qaybteeda Laascaanood+ Balanqaadadii Qaar Kamida Ardayda.

Laascaanood (MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed Iyo Xubno kamida waftidii Uu Hogaaminayey ee arrimaha nabadaynta u jooga gobolka Sool ayaa saaka ka qayb galay qalin jabinta Jaamacada Golis Qaybteeda Gobolka Sool.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa wehelinayey wasiirka Khayraadka iyo horumarinta biyaha Saleebaan Cali Koore, Badhasaabka Gobolka Sool, Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Boliska JSl S/guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, Maayirka Degmada Laascaanood Taliyaha Qaybta Boliska Gobolka Sool iyo masuuliyiin kamida Maamulka Gobolka sool.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Oo in muddo ahba gobolka sool u jooga nabadaynta beelaha walaalaha ah ee Dhawaan dirirtu ku dhex martay koonfurta magaalada Laascaanood ee Deegaanada Dhumay Iyo Dabataag ayaa Farxada Qalintabinta La Qaatay Ardayda Maanta Ka Qalin Jabisay Jaamacada Golis.

Wasiirku waxaa Uu Arrdayda Kula dardaarmay inay ka qayb qaataan nabadaynta isla markaana aanay ka hadhin wax barashada oo ay halkaa kasii wadaan.

Ugu danbayntii wasiirku Arrimaha Guduhu Waxaa uu ardaydii maanta Qalin Jabisay Ka Shaqaalaysiiyey Hooyo Ilma yar wadatay oo kamid ahayd ardayda Qalin Jabisay , Halka uu balan qaaday in 7 ruux oo maamulka jaamadu sheegay inay tahli kari waayeen kharashka jaamacada inuu ka bixiyo kuwaas oo laba kamida uu qaabili doono maayirka degmada laascaanood.

3

admin