Daawo: Waftidii Xumuukada JSL Oo Ay Weheliyaan Shirgudoonka Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah Iyo Cuqaasha Labada Dhinac Oo Kormeer Ku Tagay Deegaanada Colaadu Ka Dhacday .

Laascaanood (MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Jsl Iyo Waftidii Uu Hogaaminayey Ee Arrimaha Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah Ee Dhawaan Colaadu Ku Dhexmartay Deegaanada Dhumay, Dabataag Iyo Dharkayn Geeyo U Joogay Gobolka Sool Oo Ay Weheliyaan Shir Guddoonka Shirka Nabadaynta Labada Beelood , Culimada Ergada Dhexdhexaadin Iyo Cuqaashada ,Waxgaradka Iyo Garaadada Labada Beelood, Ayaa Saaka Horooryadii Hore Ka Ambabaxay Magaalada Laascaanood Si Ay Iyagoo Wada Jira U Gaadhsiiyaan Go’aamadii Hordhaca Ahaa Ee Shirka Una Soo Indho Indheeyaan Xaaladaha Deegaanada Ay Colaadu Ku Dhex Martay.

Afartii Subaxnimo Ee Saaka Ayey Waftidu Ka Ambo Baxday Magaalada Laascaanood Waxaana Ay Socod Ku Mareen Deegaanada Dumay , Dabataag, Saaxdheer Iyo Dharkayngeeyo. Iyo Dhamaanba Deegaanadan Kula Hadlay Bulshada Uguna Baaqay In Nabad La Qaatay Oo Garqaadasho Diyaar Loo Yahay, Loona Baahan Yahay In Hubka La Dhigo Oo Cidii Hub Lagu Arko Ay Ciidamadu Kala Wareegi Doonaan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Taliyaha Qaybta Todobaad Ee Ciidanka Qaranka Mahad Cambaashe , Cuqaasha Labada Dhinac Iyo Culimada Oo Goobahaaye Kala Hadlay Bulshadii Iskugu Soo Baxday Ayaa Dadka Deegaanka Ugu Baaqay Inay Nabada Qaataan Oo Qoriga Dhigaan Una Hogaansamaan Awaamiirta Ciidamada Qaranka Iyo Xukuumada .

Image may contain: 3 people, people sitting
admin