Daawo:Wasiirka Arrimaha Gudaha Jsl Oo Kulanla Qaatay Golaha Deegaanka Laanscaanood Kormeer Indho Indhaynana Ku Tagay Goobo dhawra.

Laascaanood  (MOI)- Waftigii Ka  Socday  Xukuumada Somaliland Ee Uu  Hormuudka U  Ahaa  Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Mudane  Maxamed Kaahin Axmed  Iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jsl Baashe Maxamed Faarax Kuna  Wegelinayeen  Taliye Ku Xigeenka Boliska  S/Guuto  C/Raxmaan Liibaan Fooxle  Ayaa  Ayaa Kulan  Ay  Warbaahintu  Dabad Jog  Ka  Ahayd La  Qaatay   Golaha  Deegaanka Degmada Laascaanood  Oo Uu  Hormuud U  Yahay  Maayirka Magaaladu.

Markii  Kulankanu  Soo  Dhamaaday  Ayaa Waxaa Warbaahinta Ujeedada Kulanka Uga  Warbixiyey  Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo  Maayirka Magaalada Laascaanood,  Iyaga Oo Bulshada  U  Sheegay  In  Kulan Kani  Daaranaa  Xogogaal Unoqoshada  Horumarka Magaalada  Iyo  Sida Ay  Dawlada Hoose U  Shaqayse.

Intaasi Kadin   Waftidu Waxaa Ay  Kormeer  Indho Indhayna Kusoo Mareen  Sadex  Goobood  Oo  Kala  Duwan Isla Markaasina Laba  Kamida Ay  Maamusho  Dawlada Hoose  Kuwaasi  Oo Kala  Ah  Xero Dhiigta  Ama Goobta Xoolaha  Lagu  Qalo ,  Goobta Qashin Qubka  Ee  Lagu  Gubo Qashinka  Magaalada Iyo Sidoo  Kale  Iskuula  Qadiimiga  Ah Ee Boodhinka  Laascaanood  Oo  Dib U  Habayn Iyo  Dayactir  Balaadhan  Lagu  Sameeyey  Qaybo  Badana Lagu  Kordhiyey.

 

admin