Weftigii Uu Hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Gidaha JSL Ee Ku Sugnaa Gobolka Sool Oo Saaka Kulan La Yeeshay Cuqaasha Iyo Waxgaradka Labada Beelood Ee Dirirtu Ku Dhexmartay Gobolka Sool.

Laascaanood (MOI)- Wefti Ka Socday Xukuumada Somaliland ee Mudooyinkii U Danbeeyey Ku Sugnaa Gobolka Sool Ayaa Saaka Kullan La qaatay Cuqaasha Iyo Waxgaradka Labada Beelood Ee Dirirtu Ku Dhexmartay Koonfurta Gobolka Sool,

Kullankan Oo Ka Qabsoomay Jaamacada Nugaal Ee Magaalada Laascaanood Ayaa ibu Fur u ah Shirka Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah ee Dhawaan Dirirtu ku Dhex Martay Deegaanada Dhumay Iyo Dabataag.

Waxaana Ugu Horeyn Waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sool C/Rashiid Xuseen Cabdule (Gargaar), oo ka warbixiyey ujeedada kulankan saaka waxaana hadaladiisii kamid ahaa:
“Saaka Shirkani Waxa Uu Daaran Yahay In Aan Kala Qaadano Fariimaha Iyo Hawlaha Aynu Wada Qaban Doono Ayaamaha Soo Socd Si Aan Xal Waara Uga Gaadhno Colaada Labada Beelood, Sidaa Darteed Maanta Halkan Umaynaan Iman Yaa Gardarnaa Iyo Yaa Gar Leh Laakiin Waxaynu Kala Qaadanaynaa Awaamiirta Xukuumadu Ka Gaadhay Shirarkii Badnaa Ee Aan La Yeelanay Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed Oo Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Waxa Uu Ergada Ka Hor Akhriyey Go’aamadii Hore Looga Soo Saaray Colaada Beelaha Koonfurta Gobolka Sool Kaasi Oo Ay Hore Saxeexeen 66 Caaqil Oo Ka Soo Kala Jeeda Beelaha Dirirtu Dhex Martay. Sidoo Kale Waxa Uu Wasiirku Shirkaasi Ka Hor Akhriyey Go’aamadii Ay Ka Soo Saareen Colaadaasi Ka Dib Markii Ay Kormeer Ku Soo Mareen Deegaanada Colaadu Saamaysay, Qodobadaasi Oo Kala Ahaa Seddex Ayaa Waxa Ka Mid Ahaa; 1-In Xabad Joojin Rasmi Ahi Dhacdo, 2- In Ciidamada La Kala Raro 3- In Aan La Aqbali Doonin Ciidan Beeleedyo Danbe Oo Deegaankaasi Isku Urursada.

Dhanka Kale Waxa Wasiirku Waxa Uu Ergada Shirka Ka Soo Qaybgashay U Sheegay In Shirku Si Rasmi Ah U Bilaabmi Doono Maalinta Sabtida Ah Ee Bishu Ay Tahay 13/9/2018-Ka Kaasi Oo Lagu Falanqayn Doono Xal Ka Gaadhista Colaadan Soo Noqonotay, Waxaanu Ka Soo Qaybgalayaasha Kula Dardaarmay In Ay Dhan Uga Soo Wada Jeestaan Islaaxinta Iyo Nabadaynta Bulshada, Waxaanu Sheegay In Ay Nabadu Lagama Maarmaan Iyo Furihii Noloshaha Tahay.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashadda Iyo Sayniska Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, Ayaa Isaguna Kula Dardaarmay Ka Soo Qaybgalayaasha Shirkan In Ay Diyaar U Noqdaan Shir Balaadhan Oo Lagu Nabdaynayo Beelahan Walaalaha Ah Ee Isku Dilay Koonfurta Gobolka Sool. Dhanka Kale Waxa Uu Wasiirku Sheegay In Aanay Waxba Ka Jirin War Been Abuur Ah Oo Sheegayey In Xukuumadu Doonayso In Ay Xidhxidho Odayaasha, Waxaanu Taasi Ku Tilmaamay In Aanay Waxba Ka Jirin Arrintaasi, Waxaanan Odayaasha Iyo Wax Garadka U Sheegayaa In Cidii Shirkaa Ka Soo Qaybgaliwayda Aan U Aqoonsan Doono Nabad Diid.

Ugu Danbayn Shirkaasi Waxa Si Rasmi Ah U Soo Afmeeray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, Waxaanu Sheegay In Cidii Ka Hortimaada Go’aamada Iyo Awaamiirta Dawladu Ka Soo Saarto Arrintan Laga Qaadi Doono Talaabo Sharciga Waafaqsan. Waxaanu Ku Booriyey In Shirkan Loo Soo Dhamaado Oo Laga Soo Qaybgalo.

admin