Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Xadhiga Ka Jaray Laba Saldhig Oo Laga Dhisay Gudaha Magaalada Laascaanood Iyo Qaybo Lagu Kordhiyey Xabsiga Dhexe

Laascaanood (MOI)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Mudaba Ku Sugnaa Gobolka Sool Ayaa Saaka Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Kala Duwan Kuwaasi Oo Kala Haa Laba Rugo Bilays Ah Oo Laga Hirgaliyey Xaafadaha Kala Ah; Xaafadaha Kala Ah Seyidka Iyo Farxaskunle, Sidoo Kale Waxa Dayactir Lagu Sameeyey Xabsiga Weyn Ee Magaalada Laascaanood Kaasi Oo Lagu Kordhiyey Dhismayaal Cusub. Mashaariicdan Ayaa Ka Mid Ahaa Kuwo Loogu Talagalay Xoojinta Nabada Gobolka Sool Kuwaasi Oo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Bixiyey Amarka Iyo Maaliyada Ku Baxaysaba.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Wefitigiisan Ayaa Mashaariicdan Xadhiga Ka Jaray Waxaanay Halkaa Ka Soo Jeediyeen; Khudbado Kala Duwan Kuwaasi Oo Tilmaamayey Sida Loogu Baahan Yahay In Dhan Looga Soo Wada Jeesto Amuuraha Horumarinta Danaha Bulshada. Waxa Ugu Horeyn Weftiga Xog-Waran Ka Siiyey Mashaariicdan Badhasaabka Gobolka Sool Mudane Cabdirashiid Xuseen Cabdulle Gargaar, Waxaanu Sheegay In Mashruucani Ahaa Mid Aduunka Ku Baxay Uu Soo Bixiyey Madaxweynuhu Kuwaasi Oo Ay Bulshadu Aad Ugu Baahnaayeen. Sidoo Kale Waxa Halkaasi Ka Hadlay Maayarka Magaalada Laascaanood  Cabdicasiis Xuseen Taarwale, Taliyaha Qaybta Bilayska Ee Gobolka Sool, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Bileyska Kuwaasi Oo Dhanmaantood Xusay Muhiimada Balaadhan Ee Ay Saldhigyadani Ku Soo Kordhin Doonaan Xaga Ammniga Iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada.

Ugu Danbayn Waxa Halkaasi Ka Hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed Waxaanu Kula Dadaarmay Taliyayaasha Bileyska Iyo Bulshada Gobolka Sool In Ay Ilaashadaan Dhismayaahsaa Loo Dhisey. Dhanka Kale Waxa Uu Wasiirku Ku Dheeraaday Sida Loogu Baahan Yahay In Laga Wada Shaqeeyo Ilaalinta Ammaanka Iyo Wada Jirka Ummada, Intaa Ka Dib Wasiirku Waxa Uu Xadhiga Ka Jaray Saldhigyadaasi. Wasiirku Waxa Uu Dhismayaashaasi Ku Wareejiyey Taliye Xigeenka Bileyska Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, Waxaanu Isguna Ku Wareejiyey Taliye Qaybeedka Gobolka Sool.

Ugu Danbayn; Waxa Halkaasi Ka Hadlay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax, Waxaanu Mahadnaq Balaadhan U Soo Jeediyey Dhammaan Cidii Gacan Ka Geysatay Dhismayaashan Kuwaasi Oo Uu Ugu Horeeyo Madaxweynaha Qaranku Mudane Muuse Biixi Iyo Bulshada Reer Laascaanood Kuwaasi Oo Muujiyey Wada Shaqayn Iyo In Ay Dawladooda Si Kal Furan Ugu Soo Dhaweeyaan In Loo Dhiso Saldhigyadan.

admin