Waftidii Uu Hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Ee Ku Sugnaa Magaalada Burco Oo Kulan La Qaatay Madax Dhaqameedka Dalka.

Burco(SLI)- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cadde oo maalintii Shalay Gaadhay Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ayaa caawa guriga martida ee magaalada Burco kulan Afur iyo Casho Sharafa kula yeesha Madax dhaqameedka wax garadka iyo cuqaasha kala Duwan ee Somaliland.
Waftidan uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Ayaa Waxaa Ku Wehelinayey Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirka Wasaarada Cadaalada Axmed Faarax Cadare, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Cadaani, Wasiiru Dawlaha Wasaarada Duulista Iyo Hawada Axmed Nuur Faahiye, La Taliyaha Wasiirka Arimaha Gudaha Axmed Xasan Cigaal , Iyo Badhasaabka Gobolka Togdheer .
Kulankan ay wada qaateen waftida iyo madax dhaqameedku oo qaatay saacado kooban isla markaana aan warbaahintu dibad jog ka ahayd ayaa lagaga wada hadlaayey xasuuqii Tuulada Jaamac Dubad iyo xaalada hawdka kilalka shanaad .
Waxaana goobtaasi warbixin ka jeediyey Odayaashii goob jooga u ahaa dhacdadaasi Jaamac Dubada oo ka hadlay sida dhacdadaasi aan cidna loo aabo yeelin ay u dhacday.
Dhinaca kale waxaa iyaguna dhankooda halkaasi ka hadlay madaxdhaqameedka kala duwan ee halkaasi is kugu yimi oo dhamaantoodba ku dheeraaday sidii xal waara looga gaadhi lahaa xaalada soo noqnoqonaysa ee deegaankaasi iyadoo isku raacay inaanay marnaba colaadi ka dhaxayn Dawlada Ethiopia laakiin ay dhibaatadu tahay Liyuu Bolis oo ah Dad Beela.
Wasiirada xukuumada oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday sidii la iskaga kaashan lahaa isla markaana go’aan mida looga gaadhi lahaa shicib iyo xukuumadba aadna uugu mahadnaqay madaxdhaqameedka nabada salka u dhigay ee ilaa hada aan wax jawaaba qaadin.
Ugu danbayntii wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo halkaasi soo gunaanaday ayaa ku dheeraaday xidhiidhka labada dal iyo inay nabad muhiim tahay waxaana uu sheegay inay dawlada federaalka arrinkani ka wada hadleen una balansanyihiin inay iskaga yimaadaan taasi oo federaalka Ethiopia ay sheegeen inay arintaasi baadhayaan.
Shirkan oo si wayeelnimo iyo guurtimo ah la iskula hadlay la iskuna waafaqay ayaa waxa la iskula qaatay in gudiyo ka tirsan cuqaasha bari kulan danbe la iskugu yimaado isla markaana laga soo saaro xog mug leh.

IMG_2751 IMG_2752 IMG_2753 IMG_2756 IMG_2763 IMG_2765 IMG_2767 IMG_2768 IMG_2777 IMG_2778 IMG_2779

admin