Wasiirka Waasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsiya U Diray Dadkii Ku Nafwaayey Roobkii Shalay

Hargaysa ( SLI)-  Wasiirka  Wasaarada Arrimaha  Gudaha Somaliland  Mudane  Cali Maxamed Warancadde  ayaa  dhambaal Tacsiya u  diray  dhamaanba  Dadkii  ku  Geeriyooday   Roobkii  Shalay  fiidkii  ka  da’ay  Magaalada Hargaysa  ee Caasimada Somaliland Kaasi  oo sababay  khasaare naf iyo maalba leh.

Wasiirka oo Socdaal Shaqo ku  jooga  Dalka Imaaraadka Carabta  ayaa  warsaxaafadeed  uu  soo  saaray  kuna saxeexan yahay  Af-hayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jamaal Cabdi Muxumed   waxaa uu  u  dhignaa sida  hoos ku  qoran:-

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajucuun              farinta2

Kulu  fasun daa iqatul Mawt

Marka Hore Iyada oo  lagu  jiro  Bisha Barakaysan ee Ramadaan  Ilaahay  waxaan  ugu  baryayaa inuu  samir iyo iimaan saadiqa inaga siiyo Dhamaanteen gaar ahaana  waalidiintii,  qoysaskii, qaraabada iyo qaranka somalilandba Intii  ku  dhimatay  waxyeeladii Raxmaad  ilaahay  ina siiyey, inta  dhawaaca ah   waxaan ilaahay  uga baryayaa caafimaad qab degdega inuu ilaahay  siiyo.

Raxmaadka ilaahay  waa wax loo baahan yahay   oo aan nooluhu  ka maarmi  Karin  ilaahay  nusqaantiisa ha inaga ilaayo  bil  ramadaan ayeynu  ku  jirnaaye.

Ciidamada amaanka, ciidanka dabdamiska iyo  dawlada hoose  oo runtii si laxaad leh uga  qayb qaatay  samoto bixinta  dadkii  roobabku qaadeen  iyo kuwii  guryuhu  ku  dumeenba  aad  ayaan ugu mahad celinayaa shacabkooda ayey  gargaarayaan  waana waajib  qaran  oo ay  gudanayeen.

 

ALLAA MAHAD LEH
 Af-hayeenka wasaarada arrimaha gudaha JSL

Jamaal Cabdi Muxumed

13417476_1221074651275740_2655036462745424093_n 13417519_1221074627942409_6116254383333042424_n 13419045_983468925100294_6577567268377255130_n 13427721_983468861766967_7395958213369479441_n 13428362_983470505100136_8553632208449354852_n 13428584_1221074594609079_337194003452313309_n 13428635_1221074587942413_4319388974849112602_n Capture

 

admin