Cutubyo Ka Tirsan Cidamada Milatiraga ,Kamaandooska Iyo Booliska Gobolka Togdheer Oo Ku Ruqaansaday Xududaha Ay Somaliland La Wadaagto Itoobiya

Burco(SLI):Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Ee Milatiriga Kamaan-Doska,Booliska Iyo SPU Oo Ah Ciidamada Booliska Ee Gaarka U Toobaran Ee Gobolka Togdheer Ayaa Ku Ruqaansaday Xududka Ay Somaliland La Wadaagto Dalka Ethopia Ee Gobolka Togdheer Oo Maalmahi Udanbeeyay Isasoo Tarayeen Tacadiyo Cidamada Liyuu Booliska Ee Kililka Shanaad U Gaysanayeen Dadka U Dhashay Dalka Somaliland Ee Ku Deedsan Xudadaha Somaliland La Wadagaan Ethopia Halka Tuulada Jamac Dubadna Ku Layeen Ciidamadu Liyuu Boolisku Dad Shacab Ah Gaadhaya 21 Qof,

 

Ciidamadani Isku Jira Malitariga,Kamaandooska Fadhigoodu Yahay Gobolka Togdheer Ciidamada Wareega Ee Jiidaha Hore Ee Ciidamada Qaranka,Cidamada Booliska Gobolka Togdheer Oo Ay Waheelinayaan Ciidamada SPU Ee Gaarka U Tababaran ,Gadiidkoodi Oo Hogaaminayo Badhaasabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan Qabyotire Ayaa Gaadhay Goobtaasi. Ciidamada Qaranka Ee Goobta Maraya Iyo Duqa Burco Maxamed Muraad Ayaa U Anbabaxay Deeganada Xuduudku Maro Ee Balidhiig ,Dhoqoshay,Iyo Duruqsi Ujeedada Socdaalkooda U Yahay Sugida Amaanka Xududaha Somaliland Ay La Wadaagto Dalka Ethopia Iyo Xasilada Amaanka Dadka U Dhashay Somaliland Ee Ku Daadsan Xududaha.

Ciidamada Liyuu Booliska Ee Kilalka Shanaad Ee Dalka Ethopia Ayaa Mudooyinkii Udanbayay Tacayadiyo Tiro Badan Ku Samaynayay Dadka Ku Sugan Deeganada Ku Teedsan Xududaha Somaliland Iyo Ethopa Ay Wadagaan Halkaas Oo Deegaanka Balidhiig Ay Maalinti Shalay Ku Gubeen Calanka Somaliland Oo Ka Dhalatay Xiisada Adagi Isla Markaana Hanjabaadu Ujeediyay Dadki Dagana Degmada Balidhiig Halka Ay Cidamadani Liyuu Boolisku Soo Dhoobeen Ciidamo Farabadan Xududka Ka Dib Intii Ka Danbaysay Tuulada Jamac Dubad Oo Ay Ku Layeen 21 Qof Oo Ka Mid Ahaa Dadka Degaankaasi Dagaanaa.

Isku Soo Wada Duubo Lama Oga Mudada U Qaadan Doono Socdaalka Waftiga U Hogaaminayo Badhasabka Gobolka Togdheer Marka Laga Reebo Wararka Naga Soo Gadhayaa Deeganadaasi Ee Shagaya In Waftigani Ay Ku Sugaan Donaaan Maalmo ,Ciidanku Ay Joogi Donaan Xudadaha Somaliland Si Ay Usugaan Amaanka Dadka Deganadaasi Ku Sugan.

 

 

admin