Daawo:- Ciidamda Qaranka Ee Kala Duwan Oo Dhoolatus Gaardis Ah Ku Soo Ban Dhigay Xerada Ciidamada Qaranka Ee Jirjeex.

Hargaysa(SLI)- Halkan Ka Daawo Ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa Saaka Arooryadii hore sameeyay dhoolotus qaran oo ay ugu diyaar garoobayaan xuska maalinta la soo noqoshada madax banaanida Somaliland ee 18-Ka May.

Ciidamada Milatariga Somaliland ayaa gaardis ku maray xarunta guud ee ciidanka qaranka Somaliland,kuwaasi oo diyaar garow xoogan ugu jira ka qayb gala xuska 18-ka May oo Somaliland sannad kasta xusto.iyadoo ay ka hadheen muddo sadex cisho ahi.

Wasiirka arrimaha gudaha Md Cali Maxamed Warancadde, Taliyaha ciidamada Qaranka Sareeye-gaas,Ismaaciil Shaqale, Taliyaha Booliska Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan Taliyaha Ciidamada Asluubta, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada, Wasiirka Cadaalada , Maayirka Caasimada iyo xubno kale ayaa goob joog ka ahaa dhoolatuskan Milatariga Somaliland ugu sii diyaar garoobayeen maalinta 18-ka May ee madax banaanida Somaliland.

Ku waasi oo dhamaantoodba salaan sharaf ka qaatay ciidamada qaran ee kala duwan.

admin