Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Go’aan Adag kasoo saartay Caleemo Saarka Salaadiinta iyo Cuqaasha Cusub.

Hargaysa(SLI)- Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde Isaga oo tixraacaya Wareegtadii Sumadeedu ahayd WAG/Xw/86/72/2015 kuna taariikhaysan 11/01/2015 oo kazoo baxday xafiiska wasiirka Arrima gudaha ujeedadeeduna ahayd joojinta caleemo saarka cuqaasha iyo salaadiinta soo badanaya.
waxaa uu wasiirka ku wargalinayaa dhamaanba Badhasaabada Dalka Iyo Taliyaha Ciidamada Boliska JSl . in la joojiyo dhamaan caleemo saarka Salaadiinta Iyo Cuqaasha Cusub ee aan Ku Iman Dhaxaltooyo.
Sidaas awgeed waxa laydin farayaa inaad ka ilaalisaan Gobolada Iyo Degmooyinka aad Madaxda u Tihiin in lagu caleemo saaro Suldaan iyo Caaqil Cusub, isla markaana waxay wasaaradu gacanta ku haysaa Sharcigii Lagu Mabnuuci Lahaa Madaxdhaqameedka Cusub ee Somaliland.
Ugu Danbayntii Waxaad la wada socotaan Baryahan Danbe Cadawga Somaliland Waxa uu isku Dayayaa Sidii loo kala Qaybin lahaa bulshada Somaliland , iyaga oo Doonaya Inay Bulshada ka dhex samaystaan Madax Dhaqameed Madiidaan u noqda

ALLAA MAHAD LEH

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha
Jamaal Cabdi Muxumed

Scan0002

admin