Ciidamada Boliska, Laanta Socdaalka Iyo Sirdoonka Qaranka Oo Lagu Amray In Laga Bilaabo 11 Bishan Inay Shacabka Iyo Darawaliintaba la Weydiiyo Kaadhka Muwaadinka Iyo Ka Ajaanibka

Hargaysa (SLI)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Cali MAxamed Waran-cadde ayaa manta Soo Saaray Wareegto uu ku amrayo Ciidamada Boliska , Laanta Socdaalka iyo Sirdoonka Qaranka Somaliland .
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland isaga oo ogsoon in ilaalinta nabadgalyadu ay tahay ahmiyada Koowaad ee qaranka waxaa lagama maarmaan ah in aynu adkayno la socodka dhaqdhaqaaqa Dadka Muwaadiniinta ah iyo kuwa Ajaanibka ah.
Sidaas awgeed waxaa la bilaabayaa olole lagu baadhayo dadka laguna kala saarayo Qofka muwaadinka ah ee sita Kaadhka aqoonsiga Dhalashada ama Kaadhka Degenaanshaha ajaanibka. Waxaanay ciidamada amnigu billaabi doonaan Baadhis Iyo In Dadka La Joojiyo iyadoo baabuurtana lagu joojin doonaa waddooyinka.
Waxaana Dadkaa la weydiin doonaa
1- Kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka
2- Kaadhka Degenaanshaha Ajaanibka
Hadaba waxaa la idin farayaa in aad u diyaar garawdaan habeenka arbacadu soo galayso ee bishu tahay 11/05/2016 iyada oo ay hawshan ka qayb gali doonaan Ciidamada Boliska, Waaxda socdaalka iyo Sirdoonka qaranka JSL.

ALLAA MAHAD LEH

Cali MAxamed Waran-cadde
Wasiirka Wasaarada Arrimaha GUdaha JSL.

Scan0001

admin