Afhayeenka Ciidanka Boolisa Somaliland Oo Ka Hadlay Xadhiga Sheekh Aadan Sunne Oo Ciidamadu Xabsiga U Taxaabeen

Hargeysa (SLI):- Af-Hayeenka Ciidamada Booliska Somaliland gaashanle Sare Faysal Xiis ayaa  markii ugu horeysay ay ka hadlay Xadhiga  sheekh Aadan Sunne oo ka mid ah culimada rer Hargeysa oo xalay ciidamadu soo qabteen isla markaana ay ku xidheen xarunta danbi baadhista ee C.I.D .

Afhayeenka ciidamda booliska Somaliland  oo arintaasi ka hadley waxaa uu sheegay in xadhiga sheekh Aadan Sunne ay ciidamadu u mareen nidaam sharci ah ka dib markii uu sheekhu danbi cad oo maxkamada la hor keeni doono uu galay waxaana uu yidhi

“Waxaanu halkan idinka sheegayna in xalay oo bishu aheyd laba ay saacaduna aheyd ilaa 12:20 habeenimo ciidanka boolisku waxaa ay soo qabten oo ay xarunta C.I.D ay ku xidheen sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) sheekhaasi waxaa uu ku kacey falal nabad galyo daro oo khatar ku ah bulshada Somaliland .

Hadhow baad iska odhan doontan sheekh baa la isku soo xidhay la iskama soo xidhin ee dariiqii sharciga ahaa baa loo maray danbigaas uu galay kiiskiisa waa la baadhey warqada qabashada maxkamada ayaa u soo jartey oo uu ku xidhan yahay waxaan deg deg loo geyn hor geyn doona maxkamada ” ayuu yidhi Gashaanle sare Faysal Xiise afhayenka ciidamda booliska Somaliland .

admin