Daawo:- Wasiiru dawlaha Amniga Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo U Jawaabay Gaafaw-ga Xamar. Bulshada, Waalidiinta, Goobaha Waxbarashada Iyo Xarumaha Warbaahinta Usoo Jeediyey Inay Dhalinyarada Ka Wacyi Galiyaan Tahriibta.

Hargaysa (SLI)- wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha gudaha somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye oo maanta shir’ jariid ku qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeedhay maamulka taagta daran ee Xamar.

Wasiiru Dawlaha ayaa si kulul uga hadlay hadalo kasoo yeedhay Gaafawga maamulka taagta daran ee somaaliya kuwaasi oo uu ku sifiiyey ku dhac-dhaca isla markaana ay bariba raaligan ka bixin sidii ay horeba uga bixin jireen.

Dhinaca kale wasiiru dawlaha amniga Maxamed Muuse Diiriye waxaa uu sheegay in ka Dawlad ahaan ay la yeesheen shirar ilaa hada socda oo lagu xoojinayo xidhiidhka wadamada jaarka iyo isku gudubka xuduudaha oo ay tariibtu kamid tahay wadama jaarka oo ay Ethiopia ugu horeyso .

Shirarkan oo horaantoodu ka bilaabantay Borama imikana ay ka socdaan Gabiley iyo Ethiopia dhexdeeda.

Ugu danbayntii Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo ah Wasiiru Dawlaha Aminiga Qaranka ayaa ugu baaqay dhamaanka goobaha waxbarashada, waalidiinta, waxgaradka bulshada iyo xarumaha warbaahintaba iyo dhalinyarada ka wacyi galiyaan aafada tahriibtu ay leedahay.

admin