warsaxafadeed uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha s/land Cali mahamed waran_cade

hargaisa (SLI)

warsaxafadeedka uu soo saaray wasiirku ayaa waxa uu jawaab celin u ahaa hadalakii ka soo yeedhay maamulka somaliya

Shirqoolka ka Socda Xamar ee la doonayo in lagu  waxyeeleeyo  Qaranimada Somaliland  waa mid Ummada Somaliland ay  ka digtoon yihiin .

Waxaana wax lala yaabo  ah  in  Maamulka  Muqdisho  ku  hadaaqo  in  Somaliland ka mid tahay  doorasho  ku  sheegta  maamulka taagta  daran ee Somaliya loo qabanayo 2016 arrimahaas  oo ah  mid  caal waa ah .

Haddaba waxaa looga digayaa dhamaanba  Madax-Dhaqameedka Somaliland  in aan  lagu  khaldin  ama aanay  ku  dhicin  dabinnada  ay  maleegayaan Maamulka taagta daran ee muqdisho.

 Waxa lagu  war galinayaa cidii  ka  qayb  qaadata  shirqoolada  laga maleegayo  xamar inay  la  kulmi doonaan   ciqaab  adag iyadoo lagu  qaadayo  khiyaamo  Qaran.

Qarankan  Somaliland waa Qaran  gaamuray  oo aan  cidina hungurayn  Karin  kuna guulaystay  inuu  xaqiijiyo  Midnimadiisa iyo  Horumarkiisa

admin