Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Qaar Kamida Wasaaradaha Dalka Oo Wafti Ka Socda Jaamacada Carabta Shir Kula Yeeshay Xarunta Wasaaradda

Hargaysa (SLI)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Abdi-fatah Sa’eed Ahmed oo ay wehelinayaan

wasiirka wasaradda Arrimaha Debada,

wasiirka wasaaradda Qorshayta,

wasiirka dawlaha wasaaradda Biyaha, iyo waliba madax kale oo tirro badan.

ayaa maanta galinkii danbe Xarunta wasaarada shir Kula Yeeshay Wafti Isku dhafa oo ka socday Jamacada carabta oo uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee xoghayaha jaamacada.

Shirkani oo qaatay   muddo ku eeg saacad badhkeed ayaa   wasaaradaha kala duwan ee shirkani u matalayey Somaliland ay kusoo bandhigeen Baahiyahooda aasaasiga ah.

“waxa maanta halkan inoogu yimi oo inala jooga wafti isku dhafa oo ka socda Jamacada carabta oo uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee xoghayaha jaamacada waxaanay inoogu yimaadeen sodaal xog ururin ah halkana maanta waxaa kula kulmay wasaarado fara badan dhamaana waxaanu isoo ban dhignay baahiyaha wadanka ka jira”. Director General of the Ministry of Interior Abdi-Fatah Sa’eed Ahmed

admin