War-saxaafadeed Rasmiya Oo Ka Soo Baxay Qisaastii Maana La Fuliyay

Hargaysa(SI) Saddex qof oo ay  laba ka mid ahi ahaayeen Hooyo iyo Wiilkeedii ayaa manta lagu fuliyay qisaas. Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ay si wada-jira ugu Saxeexan yihiin Maxkamadda sarre iyo Xeer ilaalinta qaranka. Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirana waxa uu udhignaa sidan:-

Saddexdan dambiile laba ka mid ahi waxa ay ahaayeen Nin iyo Hooyadii oo  ay ku Cadaatay in ay si badheedh ah u dileen isla  markaana ku aaseen gurigooda  Marxuumada Ruqiya  Siciida Ayaanle sanadkii 2014.Waxa maanta Qisaas lagu fuliyay saddex dambiile oo dhamaystay dhamaan Heererkii Maxkamadaha  oo ay Xukumeen Maxkamadaha Madaniga ah ( Civilian Courts) isla markaana ay Dhaxlayaashiii dhiiga lahaa codsadeen in loo Qisaaso.

Ninka Kalena  waxa uu ahaa Nin ay ku cadaatay in uu si badheedh ah u dilay Marxuum kale, dilkuna waxa uu ka dhacay Gobolka Togdheer sanadkii 2014.

Qisaastan in la fuliyo waxa saxeexay Madaxweynaha JSL,  waxaana Hubiyay Maxkamada Sare iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka. Waxaana goob joog ka ahaa  Eheladii wax loo qisaasayay.

Dhinacakale waxa goob joog ahaa Hal Xeer-ilaaliye oo Ka socday Xafiiska Xeer ilaainta guud, Xubin ka socota Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo dhakhtar ka socda  Wasaarada Caafimaadka.

Waxaana ka qayb Qaatay diyaarinta Wasaarada Cadaalada  isla markaana waxaa fuliyay Saddexda Ciidan Qaran ee JSL, Asluubta, Booliiska iyo Militariga.

Dadkii la qisaasay  oo faahfaahsan waxa ay kala yihiin sidan:

1-    Muuna Maxamed Cabdiilahi           Da’ada :  37 Sano

2-    Maxamed Axmed Cabdi                   Da’ad   : 21 Sano

3-    Cabdalla Xasan  Maxamed               Da’ad   : 30 Sano

Allah Ayaa Mahada Dhamaanteed Iskal leh

Gudoomiyahah Maxkada Sare                          Xeer Ilaaliyahay Guud ee Qaranka JSL

Adam Xaaji-Cali Axmed                                                         Hasssan Axmed Adan

admin