Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska JSL Oo Beeniyey In La Xidhay Taliyaha Saldhiga Dagmada Ibraahim Kood Buur.

Hargeysa(SLI) Taliye-ku-xigeenka Ciidanka booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdirahmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa ka jawaabay warar sheegaya in la xidhay taliyihii Saldhiga Dagmada Ibraahim Koodbuur Badal Xasan Qayl isla markaasina  xilka xayuubin  lagu  sameeyey.

Taliye Fooxle ayaa  xaqiijiyay in aanay jirin xadhig lagula kacay taliyaha Saldhiga Booliska degmada Ibraahim Kood buur, taliyaha oo arimahaas ka hadlayaa waxa u Yidhi “ Adeer warkaasi waa been wax ka jiraa ma jiran imikadaa aan kula hadlaayo waxa uu ku jiraa Shaqadisii warkaasina waa been” ayuu ku jawaabay taliye Fooxle .

Warkan ayaa  uu hore u  baahiyey  xisbiga borobagaantada iyo  dadkicinta  wada ee waddani  kaasi  oo  doonayey  inuu ku  kiciyo  bulshada isla markaasi  si  khaldan uu  bulshada wax u  gaadhsiiyo  isaga oo adeegsanaya  warbaahinta  qaar isaga u  adeega

waxaana uu  xukuumadda ku eedeeyay in ay xilkii ka xayuubisay taliyihii saldhiga ibraahim koodbuur, iyada oo xisbiga Waddani uu sheegay in maamus ka xayuubinta lagula kacay taliyahaasi ay timid ka dib markii uu maalintii shalay u ogolaaday gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro inuu xabsiga ku booqdo ganacsade Cumar Caydiid oo ku xidhan saldhigaasi warkaasi oo gabi ahaanba been abuur ah.

admin