“ Soomaaliya Waxaanu Ka Difaacaynaa Qaranka Somaliland laakiin waxaan jeclahay inaan dadka xusuusiyo cali Khaliif Galaydh iyo raga la socda ee u dhashay Somaliland……” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde

Hargaysa (SI)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Maanta Shir Jaraa’id Ku Qabtay Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa Ka Hadalay Shirar Ku Lidi Ah Qaranimada Somaliland oo Maamulka Taagta Daran ee Soomaaliya Ka Jiraa Doonaayey Inuu Ku Qabto Gobolada Bariga ee Buuhoodle Halkaasi Oo Ciidamada Qaranku Saaka Ku Ruqaansadeen.
Wasiirka Arrimaha GUdaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa Hadalo Kulul Warbaahinta U Mariyey Maamulka Soomaaliya isaga oo sheegay In hadii ay joojin waayaan fadqalalada ay doonayaan inay ka abuuraan Somaliland ay ka Dhici doonto Dhibaato aan geeska afriga lagu mahadin Waxaana Hadaladiisii Kamid ahaa :-
“Waxaynu ku guulaysanay hadaynu nahay Somaliland inaan Dalkeena Ka abuurno midnimo is ogolaansho iyo dawladnimo waxaynu muddo dheer ku dedaalaynay in reer Somaliland waxay kala tabanayaan in si nabad galyo iyo wada hadala lagu dhameeyo , waxaase muuqata in dawlada uu madaxda ka yahay xasan sheikh ee xamar ka dhisan ee awooda yar markii dalka intii ay xukumayeen ay dhibaato dil, xoolfumo iyo dhiig ka joogsan waayey inay soo raraan nabadgalyo darada wadankaa ka jirta oo ay waxyeeleeyaan nabada Somaliland iyo Shacabkeedu ay ku naaloonayaan .
Xasan Sheekh Waxaa uu soo Diray Kooxo Fadqalalo ka rida Somaliland Gudaheeda khaas ahaan gobolada Barriga isaga oo doonaya inuu waxyeeleeyo nabada Somaliland .
Qarankani wuxuu u heelan yahay inuu ilaaliyo qaranimada Somaliland iyo nabadgalyada bulshada reer Somaliland. Kadib Markii uu weerar Soo Qaaday ninka u madaxda ah Dawlad Goboleedka Soomaaliya Xasan Sheekh ee uu soo diray Kooxo qas ka rida buuhoodle iyo Meelo Kale oo dalka ah oo xuduuda Somaliland gudaheeda ah .
Ciidamada Qaranka Somaliland Saaka Waxa ay Ku Ruqaansadeen Meesha La Yidhaahdo Balli Cad oo uu ka abaabulayey Shirar ku lid ah qaranimada Somaliland iyo wada jirka Somaliland sidaa awgeed waxaan u sheegayna shacabka ama shucuubta Goboladaa ku Dhaqan ee Reer Somaliland in ciidamada Qaranku Yihiin Ciidamadoodii waxyaalaha ay dhaqdhaqaaqa u sameeyeena ay tahay inay nabadgalyadooda ilaaliyaan Shacabka halkaa ku nool oo dad fidmo wadaa aanaysoo galin. waxaanaan ugu baaqayaa shacabka ama bulshada goboladaa ku dhaqan inay la shaqeeyaan ciidamadooda oo wax allaala wixii nabadgalyo daro samaynaya aanay ka aamusin inay ilaashadaa nabadooda iyo xasiloonidooda.
Wax allaa wax ka dhacay dhaqaaqaa ay ciidamadu kormeerka Samaynayeena Ma Jirto waana ilaahay Mahadii Waxaan U Mahad Naqayaa Shacabka reel Somaliland ee goboladaa degan ee u arka ciidamadu inay yihiin ciidamadoodii oo sugaya nabadgalyadooda cadawga soomaaliya ka minaya ka ilaalinaya sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen ee ay ula shaqaynayaan waan uga mahad celiayaa”
Dhinaca Kale Wasiirka Cali Waran-cadde waxaa uu ka Hadlay Cali Khaliif Galaydh iyo Raga La Socda oo uu sheegay inay yihiin rag u dhashay Somaliland isla markaana muujiyey cabasho kuwaasi oo ugu baaqay inay ka wada hadli doonaan cadhada ay muujiyeen waxaana hadaladiisii kamid ahaa
“Talabaad waxa Weeye Soomaaliya Waxaanu Ka Difaacaynaa Qaranka Somaliland laakiin waxaan jeclahay dadka inaan xusuusiyo cali Khaliif Galaydh iyo raga la socda ee u dhashay Somaliland waxa weeyaan muwaadiniin reer Somaliland ah oo tabasho Muujiyey, iyaga waxaanu u aragnaa inay yihiin dad dalkan xaq ku leh ka mid ah diyaarna waxaanu u nahay wax aliyaala wixii ay tabanayaan inaanu si walaalnimo ah Somalilandnimo ah Soo dhaweyna aanu uga wada hadalo fadhina ugu wada hadalo miiska korkiisa ku wada hadalo wixii ay tabanayaan ka wada hadalo , wixii ay tabanayaana wax laga qabto markaa iyaga waanu soo dhaweynaynaa inay dadkooda iyo dalkooda soo raacaan waxay tabanayaana ay sheegtaan. Laakiin waxaanu sutida u qaban doonaa dawlad ku sheegta soomaaliya hadii ay soo faragaliso xuduudaha Somaliland inaanu ka dhigi doono waxaan hore u dhicin waxaanaan international community-ga iyo bulshada caalamkaba u sheegaynaa inay wax ka qabtaan fadqalalada xasan sheikh iyo kooxdiisu ay ka wadaan Somaliland oo runtii Nabad ah oo caalamku markhaati ka yahay midnimada ummada Somaliland. Wadankii Soomaaliya la odhan jiray meesha kaliya ee imika nabada ka ahi waxa weeyaan Putland iyo Somaliland waynu ogaynoo putland dhawaan waxa la galiyey gulufbaa laga shiday maantana waxaa la doonaya Somaliland in ninkaa maamulkaa taagta daran ee soomaaliya oo dab ka shido taasina mid aanu u dulqaadan karno maaha mid u suura galaysana maaha waxaanu u sheegaynaa caalamka hadii fidmadaa la joojin waayo waxaa ka iman doona dhibaato aan geeska la mahadin hadii la fara galiyo nabada iyo xasiloonida Somaliland”

admin