Madaxweynaha Jsl Ayaa Maanta Dhagax Dhigay Bilowga Dhismaha Wadada Hargaysa Oodweyne Ilaa Burco Oo Laga Bilaabayo Tuulada Diinqal+ Sawiro

Hargaysa(Si)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Maanta Si Rasmi ah U Dhagax Dhigay Dhismaha Wadada Hargaysa Ilaa Burco taasi oo   isku xidhi doonta Gobolada Maroodi Jeex, Oodweyne Iyo Togdheer .

Xaflada Dhagaxdhiga Wadadani ayaa maanta Ka Qabsoontay Tuulada Ceel La Helay Halkaasi   oo ay Madaxweyanaha Qaranka ku casuumeen   Bulshada ku Dhaqan deegaanka Sabowanaag oo iyagu Maalgaliyay  Dhisma Wadadani .

Munaasibada Xaflada ayaa madaxweynaha ay si diiran uugu soo dhaweeyeen Bulshada ku dhaqan deegaankaasi kuwaasi oo caleemo qoyan iyo   sacab diiran   ku qaabilay madaxweynaha Somaliland.

Soo dhaweyntaasi Kadib Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo ay Wehelinayaan Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade iyo Maayirka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Soltelko   waxaa ay dhagax dhigeen   Dhismaha Wadadaasi.

Istaasi Kadibna Madaxweynaha iyo Waftida uu hogaaminayaa Ka Hor intii aanay tagain Goobta Munaasidu ka Qabsoomayso waxaa ay   kormeer ku soo mareen Dhismaha wadadataasi oo socda isla markasina   Caratuul la dhigay   Dhawr Kilomitir.

Waftida Madaxweyha waxaa Si diiran Kormeerkaasi kadib loogu soo dhaweeyey Beerta   ina Awraali oo ku taala deegaanka Ceel La Helay Halkaasi oo waftida Lagu ay kula hadashay bulshada deegaankaasi ee iyagu isku   xilqaamay dhismaha wadadaasi.

Munaasibada Dhagaxdhiga Wadadani oo aad loo soo abaabulay ayaa waxaa kazoo qayb Galay Madaxweynaha Qaranka Somaliland,   Xubno kamida Golaha Wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada , Sulaadiinta dhaqanka, Maayirka Caasimada Hargaysa, Guddoomiyaha Degmada Sabo Wanaag, Xubno Kamida Ganacsatada Dalka, Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye iyo waliba Mari sharaf   kale oo aad u Tiro Badan .

Munaasibadan ayaa ay   hadalo kalada Duwan kasoo jeediyey Sulaadiinta Dhaqanka Ee Deegaanka Sobowanaag oo iyadu ka hadlay ahmiyada wadadu ay   u leedahay dalka iyo bulshada deegaan iyo qaabkii ay u bilaabeen Dhismahaheed iyo sidii ay iskaga   kaashadeen .

Sidoo kale Sulaadiinta Dhaqanka oo uu kamid ahaa Afayeenka Dhaqanka Somaliland Yuusuf Muxumed Xiirey oo   halkaasi   ka hadlay     ayaa sheegay   in   xukuumada looga fadhiyo inay   wax la qabato bulshada ku dhaqan deegaanada Sabowanaag Iyo Cadaadley isaga oo rabaabay   dugsiyada Cadaadley iyo Bali kaliil oo madaxweynaha ka codsaday in wax laga qabto.

Suldaan Yuusuf   aya dhanka kale madaxweynaha   ka codsaday isaga oo ku hadlaayey afka bulshada deegaanadaasi in   bulshada loo sameeyo biyo   xidheeno iyo riigag.

Dhinaca Kalae waxaa Halkaasi Ka Hadlay   Wasiirka Hawlada guud Cali Mareexaan oo ay   hoosyimaadaan dhismaha wadooyinku waxaana uu ku booriyey   bulshada deegaankaasi inaana ka xukuumada ahaan waxba   kala hagran doonin   dhankooda iyaguna   ay ku dedaalaan sidii   ay guntiga dhiisha iskaga dhigi lahaayeen.

Wasiirka Wasaarada Duulista Iyo Hawada Oo Isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in bulshada deeganka looga baahan yahay inay   xoolo geel iyo adhiga   ugu deeqaan wadada oo aanay xukuumada uun soo eegin .

Ugu danbayntii wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade oo munaasibada ka hadlay ayaa si meeqaan sare ah ugu soo dhaweeyey   madaxweynaha   isaga oo   halkaasi ka jeediyey   hadalo diiri galin amaan iyo gubaabo u badan waxaana uu kusoo dhaweeyey   kelmadii xidhitaanka munaasibada Madaxweynaha Qaranka .

“maalin aad iyo aad u weynbay ii tahay waanaan idiinka mahadnaqayaa sida diiran ee reer sabowaan ii soo dhaweyseen waa sidii caadada ahayd dhaqanka idiin ahayd sidaa awgeed aad iyo aad baan idiinku mahad celinaynaa runtii isgaadhsiinta dalku waxyaabaha aadka iyo aadka u   muhiimka ah weeye anagana hadaani dawlada nahay waa waajib iyo xil nasaaran weeye inaan mar walba dhiiri galino dalka isku xidhkiisa iyo isku tallowgiisa iyo socodkiisa waxaanaan balan qaadayaa inaan gacan weyn ka gaysan doono”

admin