Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid Iyo Muranka Dhulka Tiyaatarka+Sawiro

Hargaysa(SLI)- Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed oo maanta shir jaraa’íd ku qabtay   xarunta wasaaradda ayaa markii ugu   horeysay ka hadlay   xadhiga ganacsade cumar caydiid iyo muranka dhulka tiyaatarka kaasi oo ay buunbuuniyeen xisbiyada mucaaradku.

Agaasime Cabdifataax Siciid Axmed ayaa sheegay in cumar caydiid hore loo siiyey dhulka tiyaatarka   isla markaasi goobta la isku haystaa ay ka baxsantahay dhulka tiyaatarka tahayna dhul ka madax banana oo aan shuqul ku lahayn “Arinka Aan Ka Hadlayaa Waxa Weeye Arin Beryahanba Warbaahinta Kusoo Noq-noqonayay Oo Ah Runtii Arinkan Tiyaatarka Ama Arinkan Ku Saabsan Ganacsadaha Cumar Caydiid .Runtii Shuruucbaa Wadanka Ka Jirta Maxkamaddaa Jira, Garsoorbaa Jira Oo In lamaro Ay Muhiim Tahay Iyadoo aan Beeniyo Boro Bogaando Aan Dadka Lagu Kicin, Oo Aynaan Ku Kicinayn Beel Ahaan Waxaanu Leenahay Shuruucdaa In La Maro Ay Tahay.

Sida Aynu Ka War Qabno Madaxweynu   Tiyaatarka Ayuu Sidaad Ogtihiibna Uu Siiyey Cumar Caydiid Meeshan Imika La Isku Haystaana Waa Meel Ka Gooniya Tiyaatarka Meel Runtii Shuqul Ku Leh   Maaha Habayaraatee. Taa Hadaan Ka Gudbo Cidii Cabasho Leh Sidaan Horeba U Idhi Inay Garsoorka Cabashadooda U Gudbiyaan Ayaa Muhiima’’.

Dhinaca kale agaasime cabdifataax waxa uu ka hadlay   buubuuninta ay xisbiyada mucaaradku buun-buuniyeen arinka tiyaatarka isaga oo si gaara farta ugu fiiqay xisbiga waddani waxaana hadaladiisii kamid ahaa ‘’ Waxaa Kaloon Arkaayey Xisbiyada Mucaaradka Oo Iyagu Buunbuuninaya Arrintan Siiba Xisbiga Waddani Iyaga Waxaanu Leenahay Oo Uuga Digaynaa Inaanay Arinkaa Buunbuunin Wixii Nabad Galyadana Aanay Khalkhal Ku Abuurin. Waddani Waxa Looga Baahan Yahay Inuu Bulshada Usoo Bandhigo Habsiyaasadeedka Ay Ummada Ku Wadayaan Iyagoo Aan Ilaa Hada Bulshada Waxay Ku Kasbadaan Aan Soo Ban Dhigin”

Ugu danbayntii agaasimaga guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland   waxaa uu sheegay inay gacan bira ku qabdoonaan cidkasta oo isku dayda inay amaanka dalka khalkhal galiso maadaama ay wasaaraddu qaranka u qaabilsantahay amaanka dalka ‘’Wasaaradda Daakhilgu Waxay Ka Masuul Tahay Amniga Dalka Sidaad Ka War Haysaanba Runtii Mana Doonayno Cid Khalkhal Galisa Ama Dhibaato Ku Keenta Amniga Somaliland Haday Noqoto Xukuumad Ahaan Iyo Haday Noqoto Muwaadiniintaanu Masuulka Ka Nahayba, Cidkasta Oo Isku Dayda Inay Amaanka Khalkhal Galisana Waxaanu Ku Qaban Doonaa Gacan Bira”.

 

Jamaal cabdi muxumed

Afayeenka wasaaradda arrimaha gudaha

admin